Waxanu nahay shirkada lacagta hawlgabka ee degmada iyo gobolka

Lacagta Hawlgabka ee KPA waa shirkada lacagta hawlgabka ee ugu horreysa qaybta degmada. Waxanu kalsooni ku helnay inaanu daryeelno lacag hawlgab oo loogu talogalay malaayiin dad ah.

Marki aanu aasaasmanay 1922 waxanu lahayn 400 oo qof oo caymis ku jira dhinaca kow iyo toban magaalo. Ilaa iyo markaasi hawshayadu way labanlaabmatay. Maanta waxanu daryeelnaa lacagta hawlgabka loogu talo galay qiyaastii hal milyan oo ah shaqaalo degmo iyo gobol oo waxaanu daryeelnaa maamulka lacagta hawgabka loogu talogalay boqolkiiba 80 ka mid ah degmooyinka Iswiidhan iyo dhammaan gobolada.

Ma aaminsanin jaritaano deg-deg ah, balse waxanu goor kasta ku shaqaynaa aragti dheer. Sidaas darteed waxanu lacagtaada hawlgabka u dhignaa si ay u keento ka macaash wanaagsan oo aragti dheer ku salaysan.

Waxa boqolkiiba 60 na leh Folksam iyo boqolkiiba 40 oo ah Degmooyinka iyo Gobolada Iswiidhan.

Mustaqbal raagaya oo loogu talogalay dadka iyo deegaanka

Muuqaalkayaga anshax waa aasaaska hawshayada. Tani waxay tahay in aananu ka eegin oo keliya dhinaca aragtida dhaqaale shirkadeed, balse xitaa aanu qaadano mas’uuliyada buuxda ee dhigisyadayada. Waxa goor kasta loo dhigaa si waafaqsan shuruudahayaga dhigista ee anshaxa.
Maanta waxanu maamulnaa qiyaasti 85 bilyan oo karoon. Tani waxay na siisaa fursada inay bulshada si aragti dheer raad ugu yeelato. Qaabab kala duwan ayaanu ugu shaqaynaa mustaqbal raagaya, taas oo ay ka mid tahay dhigistayada anshaxa iyo shaqadayada dhinaca mas’uuliyad qaadasho bulsho. Waxa kale oo aanu u shaqaynaa in shirkadaha aanu maalgashanayno ay qaataan mas’uuliyadooda loogu talogalay dadka iyo deegaanka.

Dhigista anshaxa leh

Dhigista lacagtu waxay leedahay awood weyn oo raad ku yeelasho. Waxay tusaale ahaan caawin karaan in la sii wanaajiyo xuquuqda bani’aadamka iyo deegaanka iyadoo loo maamulayo si anshax leh.

  • Waxanu raad ku yeelanaa in shirkaduhu ay sii wanaagsanaadaan. Waxanu iyadoo loo sii marayo dhigisyadayada aanu si fir-fircoon raad ugu yeelanaa in shirkaduhu mas’uuliyad ka qaataan deegaanka iyo xuquuqda bani’aadamka. Tusaale waxa ah in mulkiile ahaan shirkadaha lagu dhiiri-geliyo inay  wax soo saarkooda tamar ka baddelaan shidaalka qadiimiga ah una baddelaan tamarta la cusboonaysiin karo. Tusaalooyin kale waa in loo hawlgalo arrimaha sinnaanta iyo xuquuqaha shaqo ee aasaasiga ah. Waxanu u shaqaynaa inaanu raad ku yeelano shirkadaha dhinacyada xuquuqda bani’aadamka, deegaanka iyo musuq-maasuqa.
  • Waxanu si buuxda u diidnaa noocyada hawlaha qaarkood.  Ganacsiga iyo shirkadaha qaarkood waa laga saaraa hawlahayaga maalgelinyo iyadoo aan loo eegin si kastoo ay u wanaagsantahay shaqadooda deegaanka iyo deegaanka shaqo. Waa laga saaraa marka hawshoodu ay ka soo horjeedo mabda’yada anshaxa oo ay waxyeelayso dadka iyo deegaanka, tusaale ahaan wershadaha hubka, tobaakada, khamaarka iyo khamriga. 

Vi är pensionsbolaget för kommun och region

KPA Pension är det ledande pensionsbolaget i kommunsektorn. Vi har fått förtroendet att ta hand om pensionen för över en miljon människor.

När vi bildades 1922 hade vi 400 försäkrade personer i elva städer. Sedan dess har vår verksamhet mångdubblats. Vi har idag hand om pensionen för cirka en miljon kommun- och regionanställda, och vi sköter pensionsadministrationen för 80 procent av Sveriges kommuner och för samtliga regioner.

Vi tror inte på snabba klipp, utan arbetar alltid på längre sikt. Därför placerar vi pensionspengar för att de ska ge långsiktigt god avkastning.

Vi ägs till 60 procent av Folksam och till 40 procent av Sveriges Kommuner och Regioner.

En hållbar framtid för människa och miljö

Vår etiska profil är en hörnsten i verksamheten. Det innebär att vi inte enbart utgår från ett företagsekonomiskt perspektiv, utan även att vi tar ett helhetsansvar för våra placeringar. De placeras alltid enligt våra etiska placeringskriterier.

Idag förvaltar vi cirka 85 miljarder kronor. Det ger oss en möjlighet att långsiktigt påverka samhället. Vi arbetar för en hållbar framtid på flera sätt, bland annat genom våra etiska placeringar och genom vårt arbete med socialt ansvarstagande. Vi arbetar också med att företagen som vi investerar i ska ta sitt ansvar för människa och miljö.

Etiska placeringar

Pensionspengar har stor makt att påverka. De kan till exempel bidra till att förbättra mänskliga rättigheter och miljö genom att förvaltas etiskt.

  • Vi påverkar företagen att bli bättre. Vi kan genom våra placeringar aktivt påverka företagen att ta ansvar för miljö och mänskliga rättigheter. Ett exempel är att som ägare uppmuntra företag att ändra sin energiproduktion från fossila bränslen till förnybar energi. Andra exempel är att verka för jämställdhet och grundläggande arbetsrättsliga frågor. Vi arbetar för att påverka företagen inom områdena mänskliga rättigheter, miljö och korruption.
  • Vi säger helt nej till vissa typer av verksamheter. Vissa branscher och företag utesluts från investeringar oavsett hur bra deras miljöarbete och arbetsmiljö är. De utesluts när deras verksamhet står i strid med etiska värderingar och skadar människa och miljö, exempelvis vapen-, tobaks-, spel- och alkoholindustrin.